Xiisad u dhaxeysa Al-Shabaab iyo dad Shacab ah oo ka taagan Shabeellaha dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay ku warramayaan in Maanta xiisad u dhaxeysa Dad shacab ah iyo Al-Shabaab ay ka taagaan tahay tuulooyin hoostaga degmada Mahadaay.

In kastoo xilligaan wax dagaal ah soconin ayaa waxaa la soo sheegayaa in xiisadaas laga dareemayo tuulooyinka Ceeldheere iyo Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha dhexe,isla markaana Al-Shabaab iyo dadka Shacabka ah ay isku hub aruursanayaan.

Sababta xiisadaas dhalisay ayaa dad diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay Odayaasha deegaanadaas ka codsadeen in ay keenaan lacago hub lagu iibiyo balse dadka deegaanka taasi ay diideen,

Labada dhinac ayaa haatan waxa ay wadaan diyaar garoow,waxana dadka rayidka ah ay sheegeen in ay ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo,isla markaana waxyeelo ka soo gaarto.

Masuuliyiinta Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Mahadaay weli kama hadlin xiisada dagaal ee u dhaxeysa Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media