Xiisad ka taagan Gobolka Mudug iyadoo 5 ruux halkaas lagu dilay

Xiisad dagaal ayaa haatan waxa ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah Bariga Gobolka Mudug ka dib markii xalay halkaasi lagu dilay ilaa 5 ruux oo dhamaantood ahaa dad ka soo jeeda hal Qoys  islamarkaana ahaa dad Shacab ah.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa dadkaas waxa ay ku dileen deegaanka Qeydara ee Bariga gobolka Mudug ka dib markii Qoyska ay ka geeriyoodeen 5 ruux Gurigooda rasaas lagu furay halka hal qof oo kale uu dhaawac soo gaaray sida ay radio dalsan u sheeegen dadka deegaanka.

Dilka dadkaan ayaa salka ku haya fal la xiriira Aanooyin  qabiil,waxaana haatan lagu soo waramayaa in deegaanka Qeydara ee Bariga gobolka Mudug ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeyso labada beelood oo aanooyinka qabiil isku raadsanaya.

Dhanka kale xiriir aan la sameynay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan  iyagoo sheegay in ay dib uga hadi doonaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media