Xiisad dagaal oo Saakay ka taagan deegaanka Tukaraq

Wararka naga soo gaaraya deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamo kala taabacsan Maaamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa Gacanta ku haya Ciidamada Soomaalilan,waxana la sheegay in ay haatan ku dhawaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland,iyada oo halkaasi dhowr jeer uu dagaal ku dhexmaray.

Dadka ku nool deeaganka Tukaraq qaarkood ayaa waxa ay sheegayaan in mararka qaarkood ay maqlayaan rasaas aysan ogeyn cida rideysa taas oo cabsi ku beertay.

Shalay gelinkii dambe ayaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland waxa ay gaareen fariisin Ciidamada Puntland ku leeyihiin meel u dhow deegaanka Tukaraq,waxana Madaxweynaha Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada ay horay u shegeen in ay ka Go’an tahay in ay dib u soo ceshadaan deegaankaas oo horay lagala wareegay.

Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad ay deegaanka tukaraq ka taagan tahay,iyada oo dadka ku nool ay sheegayaan in ay ka casbi qabaan in dushooda lagu dagaalamo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media