HomeWararXiisad Dagaal oo Maanta ka taagan Degmada Raage-ceelle ee Shabeellaha Dhexe

Xiisad Dagaal oo Maanta ka taagan Degmada Raage-ceelle ee Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wararka aan ka heleyno degmada Raage-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad u dhexeeysa Ciidanka Maamulka degmadaas iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay Maanta ka taagan tahay Raage-ceelle. Xiisadaan ayaa daba socota iska horimaad sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo shalay Raage-ceelle ku dhexmaray Ciidamo taabacsan Guddoomiyaha degmadaas iyo ragga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Raage-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad u dhexeeysa Ciidanka Maamulka degmadaas iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay Maanta ka taagan tahay Raage-ceelle.

Xiisadaan ayaa daba socota iska horimaad sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo shalay Raage-ceelle ku dhexmaray Ciidamo taabacsan Guddoomiyaha degmadaas iyo ragga hubeysan ee maleeshiyaad ah, waxaana halkaas ku dhintay laba ruux.

- Advertisement -

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in xiisadan ay salka ku heyso muran ka dhashay lacago laga qaado gaadiidka safarka ah ee mara Raage-ceelle, iyadoona la tilmaamay in maleeshiyaadka ay dalbadeen in wax laga siiyo lacagtaas, balse uu Maamulka ka diiday.

Xiisada u dhaxeyso labada dhinac ayaa wali ka taagan  gudaha degmada, waxaana laga cabsi qabaa in markale uu halkaas ka dhaco dagaal khasaara geysta oo dhexmaray Ciidanka dowladda ee Maamulka degmada iyo maleeshiyaadka hubeysan.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka iyo Waxgaradka degmadaas oo ku aadan xiisada iyo dagaalkii shalay halkaas ka dhacay ee khasaaraha dhaliyey, sidoo kalena Maamulka Gobolka ayaa ilaa iyo hadda kasoo hadlin falkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts