Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Bakool iyo Muqtaar Roobow oo ku wajahan deegaanka Abal

Xiisad dagaal ayaa saaka ka taagan deegaanka Abal ee Gobolka Bakool taasi oo u dhaxaysa Maleeshiyo daacad u ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur iyo kuwa Shabaab.

Ciidanka Rooboow ayey wararku sheegayaan inay doonayaan inay ku duulaan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo maalmihii dambe soo buux dhaafinayey deegaano u dhaw deegaankaasi Jimcihiina dagaal la galay Maleeshiyaadka deegaankaasi ku sugan.

Dhinaca kale Mukhtaar Rooboow oo ay wehlinayaan saraakiil iyo xubno ka tirsan maamulka Koofur-galbeed ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan deegaanka Abal ee G/Bakool si ay uga qaybgalaan Tacsida wiil u dhalay Mansuur iyo saraakiil ka mid ah ciidankiisa oo Jimcihii la soo dhaafay ku dhintay dagaal ay la galeen Al-shabaab.

Waxaana safarka Abuu mansuur ku wehlinaya sida ay inoo xaqiijiyeen masuuliyiin ka mtirsan maamulka Koofur-galbeed wasiirkii hore ee gaashaan-dhigga C/rashiid C/llaahi Maxamed,Guddoomiyaha Gobolka Bakool,Wasiirro aanan magacyadooda helin iyo Sarakiil ciidan oo K/galbeed ka tirsan.

Kulamo Xalay Ka Dhacay degmada Xudur oo Rooboow uu ku hoyday ayaa lagu go’aamiyey sida aan wararka ku helayno in deegaanka Abal iyo degmada Xudur la isku furo Maleeshiyada halkaa joogana ay ciidanka dowladda la saftaan ayna ka qayb-qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media