Xerada Ciidamada Amisom ee Shabeellaha hoose oo Madaafiic lagu garaacay

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay xalay waxa ay tiro madaafiic ah ku garaaceen qeybo kamid ah deegaanka lambar Konton ee Gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan xerada Al-yaasir oo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Weerarkan hoobiyayaasha ah ayaa la sheegay in ay ku dhaceen gudaha xerada Amisom taas oo aan la shaacin karin khasaaraha ka dhashay maadaama ay aheyd xili habeen ah dadkuna ay wada jiifeen.

Dhanka kale ciidamada Amisom ayaa iyana ku jawaabay tiro madaafiic ah taas oo la sheegay in ay ku dhacday goobo ay deganaayeen dad rayid ah islamarkaana waxyeelo ka soo gaartay.

Qof kamid ah dadka degan deegaanka lambar konton oo diiday in Magaciisa iyo codkiisa  Warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in dhawaqa Hoobiyaha ay maqleen balse aysan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Koonfur Galbeed ay dhawaan bilaabi doonan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media