Xawaaladaha soomaalida ee Mareekanka oo dib loo furayo

Waxaa maalinta bari ah oo taariiqda ay ku beegantahay 1 bisha 3 aad dib u shaqa bilaabi doona, xawaaladaha Soomaaliyeed ee wadanka Maraykanka, kuwaasoo mudo kooban aan shaqeyn.

Xiritaanka xawilaadaha Soomaalida ee Mareykanka ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay noolasha Soomaali badan oo ku nool gudaha dalka, kaddib markii ay waayeen lacagihii ay ehelkooda ka heli jireen.

Inta badan xawaaladaha ayaa xirmay kaddib markii bangiga lacagaha u xawili jiray uu xiray xisaabaadkoodii lixdii bishan February.

Shir ka dhacay shalay washiton, ayaa lagu shegay in ay maalinta beri ay dib ushaqa bilaabi doonaan xawalda soomaalida, si Bulshada Soomaalida ee dalka Mareykanka ay eheladooda lacag ugu soo diraan soomaaliya.

Xubno ka tirsan Congareeska Mareykanka, ayaa horay dowlada warqad ay uqoreen uga dalbeeda in dib loosoo celiyo xiriirka xawalada soomaalida iyo kuwa dalka mareykanka.

Sidoo kale dowlada soomaaliya ayaa iyana waxaa dhankeeda ay ka dalbatay dowlada Mareykanka in ay dib ufurto xiriirka xawaaladaha.

Dhanka kale Ergayga gaarka ee Qaramada Midoowe uqaabilsan Soomaaliya Nicklose Kay oo wareysi warbaahinta mareykanka kusiinaye Xarunta Qaramada Midoowe ee Newyork ayaa walaac kamuujiyay go’aanka bankigan uu kujoojinayo xawilaadaha Soomalida.

Wuxuuna yiri “Waxaan kufikirayaa in ay muhiimad tahay in lahelo qaab lagu badbaadin karo in meesha ay kaxabaan xawilaadaha Somalida oo ay dad badan kutiirsanyihiin”.

Oxam America ayaa ku qiyaastay lacagaha Somalida mareykanku ay usoo diraan qoysaskooda Somaliya kunool in sanadkii ay gaareeso $1.3 billion,Taa oo kadhigeesa in lacagtaasi ay kabadan tahay laba ujibaar lacagaha Kaalmada ah oo ay dowlada Somalia kahesho wadamada Shisheeye

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor