Xasan Xanafi Xaaji oo maanta la soo maxkamadaynayo

Maxkamadda Ciiddanka Qalabka Sida ayaa la filayaa in saakayto la soo taago Xasan Xanafi Xaaji oo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey qorshooyinkii ay Alshabaab ku dileen Weriyayaal ka hawlgeli jirey magaalladda Muqdisho.

Xasan Xanafi Xaaji oo ahaa U-qeybsanaha Alshabaab ee Dilalka Suxufiyiinta oo lagu wareystay Telefishinka Dowladda Federalka ee SNTV ayaa waxa uu qirtay inuu ku lug lahaa dilalka Weriyayaasha, wuxuuna si gaar ah u xusay inuu wax ka ogaa dilkii Allaha U Naxariistee Sheekh Nuur Abkey oo ka hawlgeli jirey Radio Muqdisho, Agaasimihii Capital Voice, Mahad Axmed Cilmi, Saciid Tahliil oo ka hawlgeli jirey Horn Afrik iyo Cali Iimaan Shar’maarke oo ka mid ah Milkiilayaasha Warbaahinta Horn Afrik.

Xasan Xanafi Xaaji oo mar Weriye ka ahaa Idaacaddii IQK ayaa waxay Ciiddanka Kenya ka soo qabteen magaalladda Naiorobi  bishii August  5-dii ee sannadkii 2014-kii.

Waxa uu inkiray inuu yahay Xasan Xanafi Xasan, kadib, markii la bar aqoonsaday, waxayna  Hay’adda Ammaanka ee Kenya dhowr bilood kadib ku soo wareejiyeen Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Somalia ee NISA oo qeyb ka qaadatay Xooraansigii lagu soo qabtay.

Qabashadiisa waxaa soo dhaweeyey Weriyayaal badan oo Xasan Xanafi u aqoonsan Dilaaga Suxufiyiinta, waxaana laga war sugayaa Natiijadda ka soo baxda Maxkamadeyntiisa oo lagu wado inay maanta ka bilaabanto Maxkamadda Ciiddanka Qalabka Sida ee Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor