Xasan Sheekh Maxamuud oo  ugu baaqay Donald Trump in laga taxadiro khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara Duqeymaha lala beegsado Alshabaab.

Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khas ah oo uu siiyey Wargeyska Wararka Toddobaadlaha ee Newsweek ee Xaruntiisa dhexe ku taallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka Madxweynenimo hayey laga so obilaabo sannadkii 2012-kii ilaa bishii February ee sannadkan ayaa sheegay in Maamulka Donadl Trump u wanaagsan tahay in laga hor tago Khasaaraha dadka Rayidka ka so ogaara Duqeymaha lala beegsanayo Dagaalamayaasha Alshabab, waa sida uu hadalka u yiri.

“Kani waa Dagaal. Mar kasta waa yeelan kara dhibaato dhanka Ammaanka, qofna ma awoodo inuu bixiyo damaanad-qadk  dhibaato la’aanta goobaha Dagaalka” ayuu yiri Xasan Sheekh oo la hadlay Wargeyska Newsweek, wuxuuna intaasi ku daray inay mar kasta muhiimadda sare tahay inaysan dhibaato soo gaarin dadka Rayidka.

Waxa uu ka digay haddii ay Duqeymaha Maraykanka waxyeelo gaarsiiyaan dadka rayidka inay taasi abuuri karto dadka oo aad u noqda Xag-jir, waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Wareysigiisa NEWSWEEK ku muujiyey in muddadii uu hayey Xilka Madaxweynaha in aad iyo aad loo xadiday dhibaatadda dadka rayidka ka soo gaartay Hawlgalladda ay Maraykanka ka fuliyaan gudaha Somalia muddadii u dhexeysay 2015-kii ilaa 2016-kii.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Maraykanka ay Hawlgalo isku-dhaf wada qadi jireen Unugyo k tirsan Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Somalia, waxa uu ku booriyey Ciiddnka Maraykanka inaysan qaadin Hawlgal aysan la tashaninin Isbahaysigooda.

Hassan Sheikh Mohamud and FarmajoSidoo kale waxa ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump iyo Madaxweyne Farmaajo inay ka dhigaan  Laynkooda Isgaarsiinta kuwo furan oo ay ku kala warqaataan.

“Waxaan aad ugu rajo weynahaya, haddii ay Maraykanka sii wadaan Iskaashiga ay la leeyihiin Ciiddanka Somalia inay xaalladdu ka dhigayso mid caadi ah, balse haddii ay Hawlgalka ka dhigaan mid Hal dhinac ah inay iyagu samayn doonan qaladaad badan iyo inay ku dhacan dabin” ayuu yiri  Xasan Sheekh Maxamuud.

Milliteriga Maraykanka waxay Somalia dhaqdhaqaaqyo ka wadeen tan iyo ugu yaraan sannadkii 2001-kii, waxaana la xaqiijiyey inay  Ciiddankaasi qaadeen weeraro ilaa sannadkii 2007-dii oo lagu dilay in ka badan 500 oo qof oo rayid  ah sida ay shaaciyeen Xfiiska Suxufiyiinta wax barta ee The Bureau of Investigative Journalism.

Afhayeenka Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika (AFRICOM)  ayaa sheegay in Hawlgalladda Milliteriga Maraykanka yihiin kuwo lagala tashto Dowladda Federalka Somalia, isla markaana lagu dadaalo sidii loo yarayn lahaa khasaaraha dadka rayidka ka soo gaara duqeymahaasi

Maraykanka waxay Somalia u soo daad-gureen ku-dhawaad 100 Ciiddan oo loogu tala-galay inay la dagaalamaan Alshabaab iyo inay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa DFS u tababaraan Hawlgalkaasi.

Maraykanka waxay Faragelin Hawlaha Samafalka u yimaadeen Somalia bilowgii sannadihii 1990-aadkii , balse waxa Hawlgalkaasi ka soo gaaray Khasaaro ba’an.

Sannadkii 1993-kii, 2 Diyaarad Helikoptar nooca Black ayaa lagu soo riday Muqdisho, waxaana isla maalinatasi  la dilay 18 Askar Maraykan iyo 2 u kala dhalatay dalalka Malaysia iyo Pakistan.

Xigasho:NEWSWEEK.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media