Xarunta Xisbiga ka taliya dalka Turkiga oo la weeraray

Labo nin oo hubeysan ayaa maanta xoog ku galay  Xarunta Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ee xaafadda Kartal ee magaalladda Istanbuul.

Dableyda waxay dadkii ku jiray Xarunta ku amreen inay isaga baxaan, waxayna dabaqa 7-aad ee Dhismahaasi ka lalmiyeen Calanka Turkiga oo seef dhexda looga sawiray.  

Ciiddan ka tirsan kuwa Khaaska ayaa gudaha u galay Dhismaha, iyadoo labadii dableyda la soo qabtay.

Arrintan ayaa ku soo beegantay hal maalin kadib, markii ay dabley ka tirsan Jabhadda Garabka Bidix ay dileen Dacwad-ooge ka tirsan Garsoorka Turkiga, laguna magacaabo Mohamed Saalim Kiraaz.

Dhinaca kale, 19 qof oo lala xiriirinayo Kooxda Hubeysan  ee Garabka Bidixda ayaa laga soo qabtay Degmadda Anatlya ee Koonfurta Turkiga.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor