Xarunta ugu weyn Taliska AMISOM ee  Xalane oo xalay la duqeeyey.

Xarunta ugu ballaaran ee ay AMISOM iyo UN-ka ku leeyihiin Xeraddii Xalane ee magaalladda Muqdisho ayaa xalay lagu weeraray dhowr Gantaal.

Duqeyntaasi ayaa u muuqday in lagu hoos qariyey Gugaca Roobka saqdii dhexe ee xalay ilaa saakayto ka da’ayo magaalladda Muqdisho.

Dadka rayidka ee deggan Xaafadaha kaabiga ku ah Xeradda Xalane ayaa sheegay inay maqleen ilaa 4 Gantaal oo ku habsaday Xeradda Xalane, inkastoo ay dadkaasi ka gaabsadeen in Xaafadahooda laga soo tuuray Hoobiyayaasha iyo in kale.

Dhinaca kale, Ciiddanka AMISOM wey xaqiijiyeen duqeymaha loo geystay, balse wax Madaafiic ah uma ridin halkii laga soo tuuray Gantaalladda oo ku dhacay qeybo ka mid ah Xerada Xalane.

Sidoo kale, Xarakadda Alshabaab oo looga bartay duqeymaha noocaasi oo kale ah ayaan weli ka hadlin inay iyagu ka dambeeyeen duqeymahaasi, oo iyaga looga bartay inay Hoobiyayaal ay ka soo tuuaan Gawaarida nooca Basaska yaryar ee Homey-ga.

Si kastaba ha ahaatee, Duqeymihii xalay lala beegsaday ayaan la ogeyn inay Alshabaab ama Daacish ka dambeeyeen, iyadoo Labadaasi Kooxood uu ka dhexeeyo Loolan Ciiddan iyo Mucaarado xooggan.

Toddobaadkii hore, Kooxda Daacish ayaa sheegatay qarax lala beegsaday Kolonyo gaadiid oo ay AMISOM wateen, oo marayey Deegaanka Taredishe ee duleedka magaalladda Muqdisho.

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor