Xarunta Hey’adda Save the Children ee Afghanistan oo la weeraray

Illaa 11 qof ayaa ku dhaawacantay weerar la sheegay in uu wali ka socdo gudaha xarunta Save The Children ee dalka Afghanistaan.

Qarax ayaa ka dhacay xafiiska hay’adda ee magaalada Jalalabad ee Afghanistaan, kadibna rag hubeysan ayaa gudaha u galay xarunta.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa tabinaysa in carruur ay kasii kala cararaysay iskuul u dhow xarunta.

Lama oga cidda weerarka geysatay, balse inta badan waxaa magaaladan weerar ku qaada kooxda Taliban, wuxuuna weerarkan imanaya xili shalay Taliban ay weerar ku qaadeen hotel casri ah oo ku yaala magaalada Kabul, halkaas oo ay ku dhinteen illaa 22 qof.

Ragga gudaha ku jira ayaa waxa uu dagaal dhexmarayaa illaalada hay’adda iyo ciidammada amniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media