Xarumaha lagu dhaqo gawaarida ee Magaalada Gaarisa oo albaabada la isugu dhuftay

Shirkadda maamusha biyaha magaalada Gaarissa ayaa joojisay biyihii ay siin jirtay xarumaha lagu dhaqo baabuurta ee magaaladaasi.

Shirkadda ayaa waxaa ay sheegtay in dadka dhaqa baabuurta ay si sharci darro ah ku helaan biyaha ay isticmaalaan.

Arrintan ayaa waxa ay sababtay shaqo la’aan baahsan oo soo wajahday dadkii nolol maalmeedkooda ka heli jiray dhaqidda gawaarida.

Qaar ka mid ah dadkas ayaa cabashada u gudbay dowladda si wax looga qabto maadaama sida ay sheegeen aysan heyn Shaqo kale oo tan uga roon.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media