Xafiiska QM ee Taageeradda Somalia oo ay la soo gudboonaatay Cabsi dhinaca Ammaanka

Madaxa Taageeradda Goobta ee QM, Atul Khare ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Warbixin siinayey Shir ay Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ku yeesheen Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.

Waxa uu tilmaamay in cabsi dhinaca Ammaanka iyo Maalgelinta oo yaraatay dhabarjab ku noqotay Hawlaha ay QM ka wadaan gudaha dalka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Warbixintan oo aan ka soo xiganay Xarunta Wararka ee QM (UN News Center) ayaa waxa uu Diplomaasigaasi ka shanqariyey in shaqaalaha ka hawlgala Xafiiska Taageeradda QM ee Somalia(The UN support Office in Somalia) ay ku shaqeeyaan xaallad adag, isla markaana ay toddobaadkiiba celcelis ahaan hal mar la kulmaan weeraro lala soo beegsado, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxa Taageeradda Goobta ee QM, Atul Khare.

Waxa kaloo uu sheegay in Xafiiskaasi ay la soo gudboonaatay Hoos-u-dhaca Kaalmadda lagu socodsiiyo Hawlaha loo xil-saaray, isla markaana aysan fiicnayn Tayadda Adeegyadda Badbaadada. Qalabka Difaaca Goobta iyo Barnaamijka Dhismaha.

Xafiiska Taageeradda QM ee Somalia (The UN support Office in Somalia) oo la asaasay sannadkii 2009-ka, waxa uu u xil saaran yahay Taageero-siinta Hawlgalka Ciiddanka Afrikaanka ee Nbaad-ilaalinta u jooga Somalia ee AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor