Xafiiska Ergadda Ururka Midowga Europe ee Somalia oo laga furi doono Muqdisho

Midowga Europe, ayaa caddeeyey inay furan doonaan Xafiiska Ergadda EU-da ee dalka Somalia, iyadoo ay Ergaddaasi haatan Xafiis ku leeyihiin caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Tallaabadan ayaa looga dhawaaqay Munaasabad loogu dabaaldegayey Maalinta Europe (Europe Day) oo shalay lagu qabtay Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho, waxaana Heshiiska Furitaanka xafiiskaasi kala saxiixday Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud iyo Ergayga Midowga Europe ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michele Cervone d’Urso.

Heshiiskaasi ayaa waxa uu dhiirigelin doonaan sidii ay dalal badan oo Europe ah Safaaraddo uga furan lahaayeen magaalladda Muqdisho.

Ururka Midowga Europe “EU” oo ay ku mideysan yihiin 28 Dowladood waxay haatan dalka Somalia ku leeyihiin Saddex Xafiisyo Shaqo, oo dusha kala socda xaqiijinta Mashaariicda ay EU-da maalgeliyaan ee laga fuliyo dalka Somalia.

Dhinaca kale,  Miwoga Europe oo ka mid ah Dowladaha deeqaha ugu badan ku taageera Somalia, waxay Xafiiskoodii Somalia xireenbilowgii sannadkii 1991-kii, burburkii Dowladda Kacaanka kadib, wuxuuna Xafiiskaasi ku ooli jirey Dhismaha Taree Biyaano ee magaalladda Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor