Xafiis Mukhalas u ah Ma-gefaha dadka ku afduubta Libya oo laga furay Muqdisho

Dhacdo Ugub ayey noqotay wararka sheegayo in Xafiis la shaqeeya Ninka Liibiyaanka ee lagu naanayso Ma-gafe ee  afduubka, jirdilka iyo lacag madax-furashadda ka qaata Tahriibayaasha Soomaaalida ee  ku sugan  Libya  lsga furay magaalladda Muqdisho.

Radio Dalsan oo dabagal dheer ku sameeyey Xafiiskaasi ayaa waxaa loo caddeeyey inay mukhalasiinta la shaqeysa Ma-gefe ay Tahriibayaasha ka qaadaan qofkiiba lacag dhan 5,100 Dollar, si ay uga nabad galaan Afduubka Me-gefe.

Ismail  Abdikarim Osman oo ka mid ah Tahriibayaasha haatan u ambabaxayo Libya ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey inuu bixiyey lacag dhan 5,100 Dollar, isla markaana ay Mukhalasiinta Xafiiska la shaqeeya Ma-gefe ballan-qaadeen inuusan dhibaateyn doonin marka uu gaaro xuduudka Libya.

Sidoo kale,  Osman Mayow Farah oo isagana ay Mukhalasiinta  u kaxayn doonaan Libyaa ayaa qiray inuu bixiyo kumanaan Dollar, si uu uga nabad galo Afduubka ma-gafaha Liibiya.

Hooyo Soomaaliyeed oo codsatay inaan Warbaahinta magaceeda loo adeegsanin ayaa Radio Dalsan u sheegtay in ay Wiil dhashay u ambabixiyeen Xafiiska Wakiilka u ah Ma-gefe.

Waxay intaasi ku dartay inuu Rabbi u saqiray wiilkeeda safarka, isla markaana uu haatan ku sugan caasimadda dalka Britain ee London.

Si kastaba ha ahaatee, Xafiisyadda Mukhalasiinta u ah Ma-gefe ayaa la sheegay inay ku kala yaallaan agagaarka  Tree Biyaaano, Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad.

Waxaana beryahan sii kordhayo Tahriibayaasha u safrayo Libya, kadib, markii ay Xafiisyadda wakiilka u ah Ma-gefe u ballan-qaadee n inuusan Ninkaasi afduubaan doonin.

Xafiisyadda Ma-gefe ee Muqdisho waxaa la sheegay inay xiriirleeyihiin Mukhalasiin Suudaani ah oo wakiil guud u ah Ma-gefe, kuwaasi oo u gudbiya magacyadda dada Tahriibayaasha ee Lacagaha Safarka iyo tan Madax-furashadda looga qaadayo magaalladda Muqdishu.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor