Xabsi Guri laga dhigay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas

Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa cirka isku sii shareertay kadib Go’aankii uu ku teegaaray Madaxweyne Xaaf Xulufda Sacuudiga.

Xaaf oo ka maqnaa dalka ayaa maalma kadib ku soo laabtay Cadaado waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula jirto dagaal toos ah taas oo uu sheegay in ay caqabad ka dhalan karto.

Waxaa ka sii horeeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir kuwaas oo ka soo horjeestay talaabada uu Xaaf ku taageeray xulufada Sacuudiga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uu ka dhigay Xabsi guri isaga iyo Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas isla markaana uu ammaankooda halis ku jiro.

Waxaa sidoo kale barbar socda War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug taas oo lagu sheegay in xiriirka loogu jaray dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media