Xaaladda Dibadbaxayaasha Suudaan oo laga deyrinayo 

Khabiirka Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ee dalka Suudaan ayaa ku baaqay in la dardar geliyo baaritaannada la xiriira dilalka loo geysanayo dadka mudaaharaadyada dhigaya iyo tacaddiyada kale.

Adama Deng ayaa dhaleeceeyay adeegsiga awoodda xad dhaafka ah ee saraakiisha ammaanka Sudan.

Ku dhawaad boqol qof ayaa la toogtay in ka badan shan kun oo qofna waa la dhaawacay intii lagu jiray mudaaharaadyada toddobaadlaha ah ee looga soo horjeedo afgambiga milatariga ee dhacay bishii Oktoobar ee sanaki hore.

Jimcihii hal qof ayaa la dilay iyadoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalooyinka dalka Suudaan si ay u xusaan sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay rabshadihii dhacay xilli la kala dirayey mudaharaadayaal ku hortubnaa wasaaradda gaashaan dhigga dalkaasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor