Xaalada caafimaad ee fanaanada Zeynab Xaaji Baxsan oo laga deyrinayo (Warbixin)

Waxaa magaalada Muqdisho ku xanuunsaneysa fanaanada weyn ee wadaniyada ah Zeynab Xaaji Cali Siigaale “Baxsan” oo ka mid ah aheyd fanaaninti waaweyned ee dalka.

Wasiirada isboortiga iyo dhalinyarada Khadija Diiriye oo ku booqatay hooygeeda manta ayaa sheegtay in xaaladeyda aad looga deyrinayo fanaanada oo ay liidato.

Khadiijo ayaa sheegtay in loo baahanyahay in xaalada caafimaad ee Baxsan wax laga qabto iadoo baaq ujedisay dawladda iyo shacabka

“baxsan fanaanad Qaran ayeey aheyd waxey diiday iney dalkeda ka baxdo oo ay qurbo aado sax ma aha in maanta ay ku xanuunsaneyso Muqdsho oo aan wax loo qaban” ayey Tiri Diiriye

Baxsan oo ka mid aheyd fanaaninti u horeysay ee Soomaaliyeed ayaa lagu xasuustaa doorkeedi wadinyadda xiliyadi dalka uu dagaalka ku jiray gaar ahaan dagaalki 1977 ee Soomaaliya iyo Ethopia .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media