Xaafad walba oo ka tirsan Gobolka Banaadir oo loo sameynayo Ciidamo Gaar ah

Taliyaha Ciidamada Booliisk Soomaaliyeed Gen, Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid,ayaa sheegay in dhawaan dowladda soomaaliya ay sameyn doonto Ciidamo gaar ah kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amniga degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in Xaafad walba oo ka tirsan Gobolkaan Banaadir la geyn doono Boqol Askari,kuwaas oo si dhow iyo sidheerba ula socon doona Sugida dhanka amniga iyaga oo la Shaqeyn doona Ciidamada booliiska eek u sugan Saldhigyada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxa uu sidoo kale Gen,Saacid ugu baaqay Ciidamada Booliiska Soomaaliya in ay siwnagsan ula dhaqmaan Shacabka maadaama Shacabku uu xilgaan kalsooni buuxdo uu ka helayo ciidamada Booliiska oo ah lafdhabarka dhanka amniga.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaya xili dhawaan Wasiirka Amniga Soomaaliya uu sheegay in la sameyn doono Ciidamo gaar ah kuwaas oo ka qeyb qaadan doonaan Sugida amniga Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media