Xaaf, oo shaki la geliyay imaanshaha Muqdisho iyo Madaxda Maamulada oo ku soo wajahan

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in Saacadaha soo socda ee maanta ah in ay soo gaaraan dhamaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

28 Bishaan ee Berito ah ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iclaamiyay shir wadatashi ah oo ay isugu imaanayaan madaxda Maamulada iyo Madaxda dowladda Soomaaliya.

Madaxda Maamul goboleedyada oo ka imaanaya deegaanda ay ku sugan yihiin ayaa Maanta imaanaya Muqdisho si ay uga qyeb galaan kulanka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo.

Waxa shaki la gelinayaa in uu shirkaan ka qeyb galo Madaxweynaha Galmudug,kadib markii Maalin ka hor Galmudug ay sheegtay in ay heestaan culeys Siyaasadeed oo sababi kara ka baaqshada shirkaas.

Si kastaba kulanka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa looga hadli doonaa ka gudbida xaalada Siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo dhibaatooyinka heesta Shacabka, Nabadgelyada iyo sidoo kale xal ka gaarista khilaafka Madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media