Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo soo gaaray Muqdisho kuna wajahan Dhuusa Mareeb

Magaalada Muqdisho Waxaa Goordhow soo gaaray  Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jameeca.

Msuuliyiintaan ayaa waxaa safarkooda ku wehliya Gudoomiyaha guud ee Ahlusuna Sheekh Maxamuud kuwaas oo maalmahan ku sugnaa Jabuuti.

Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo Xaaf oo horay uu ka dhaxeeyay khilaaf Siyaasadeed ayaa heshiis waxa ay shalay ku gaareen dalka Jabuuti,kaas oo ay Garwadeen ka ahaayeen Urur Goboleedka IGAD.

Warar ay heshay dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in masuuliyiintan Maalmaha soo socda la filayo in ay tagaan degmada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud isla markaana ay Ahlusuna maamusho si ay ugu dhameystan qodobada ka harsan heshiiskii ay ku gaareen dalka Jabuuti.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media