World Bank: Kala-bar dakhliga soo gala Dowladda Somalia oo loo adeegsado dhinaca Ammaanka.

Wakiilka Bangiga Adduunka ugu qaabilsan Somalia, Hugh Riedel ayaa  sheegay in Dhaqaalaha Somalia kordhi doono labada sanno ee soo socoto, haddii ay Nabadda Somalia aad u soo hagaagto.

Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia ka soo kabanayso colaado ay ku jirtay 20-sanno, iyadoo uu Dhaqaaluhu si tartiib-tartiib ah u soo korayo.

Wakiilka Bangiga Adduunka ugu qaabilsan Somalia, Hugh Riedel waxa uu tilmaamay inay Dowladda Federalka Somalia kharajka soo galo ay 45% u adeegsadaan dhinaca Ammaanka, halka 41% lagu kharaj gareeyo Adeegyadda Maamulka.

Waxa kale oo uu  tilmaamay in loo baahan yahay in la kordhiyo Kharashaadka lagu bixiyo Adeegyadda Bulshadda, sida Caafimaadka iyo Waxbarashadda.

Wakiilka Bangiga Adduunka ugu qaabilsan Somalia, Hugh Riedel waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay inuusan Bangiga Dhexe ee Somalia awood u lahayn inay maareeyaan Lacagaha Qaranka, iyadoo Lacagta Dollarka Maraykanka tahay midda keliya ee uu ku tiirsan yahay Dhaqaalaha Somalia, isla markaana ay Bulshadda u adeegsadaan  Nolol-maalmeedkooda.

Dhinaca kale, Dhaqaale-yahan John Randa ayaa walaac ka muujiyey Xaalladda Somalia, isagoo tilmaamay in Kala-bar Dadka Soomaalida ku nool yihiin Saboolnimo baahsan, Heerka Aqoon La’aanta oo sarreysa, iyadoo Labo Jiil oo dadka Soomaalida aysan Dugsiyadda aadin, sababo la xiriira Dagaalladda Sokeeye ee ka dhacay Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor