William Ruto oo sheegay inaysan Alshabaab marnaba maamuli doonin Kenya

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir-gobaleed  looga hadlayo Xag-jirnimadda, kaasi oo maanta ka furmay magaalladda Nairobi.

Waxa uu tilmaamay in la adkeeyey amaanka Kenya, isla markaana lagu hawlan yihiin sidii loo xakamayn lahaa waxa uu ugu yeeray Xag-jirnimadda.

William Ruto waxa kaloo sheegay inaan marnaba Dowlad Islaami ah laga dhisi doonin Kenya, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay Kenya tahay Bulsho Furan oo Dimuqraadi ah.

Mar uu ka hadlayey dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, waxa uu tilmaamay inay safka hore kaga jiraan sidii ay Alshabaab u qiiqi lahaayeen, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ugu baaqay Beesha Caalamka inay Kenya ku taageeraan Dagaalkaasi.

“Alshabaab iyo Isbahaysigooda waxay weli wadaan sidii ay Dhallinyarradda ugu tababari lahaayeen goobaha nabadda ah, sida Dugsiyadda ,masaajidda, Xabsiyadda iyo Warbaahinta Bulshadda” ayuu yiri William Ruto.

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya waxa kaloo uu ka hadlay Dagaalyahannadda  shisheeyaha ee ka barbar dagaalama Alshabaab, wuxuuna  sheegay haddii ay Ciiddanka Ammaanka Kenya ka badbaadaan inay dalalkooda abuuri doonaan Khatar dhinaca ammaanka.

Ugu yaraan 300 Ergo oo ka kala socda dowladaha Caalamka ayaa ka qeyb qaadanayo Shirka looga hadlayo Xag-jirnimadda ee ka furmay magaalladda Nairobi, waxaana la filayaa in laga saaro Qorsho looga hortagayo Falalka Xag-jirnimadda.

© Warqabadka Radio Dalsanruto 2 RUTO

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor