Wiilkii Soomaaliga ee ay Boliska Maraykanka dhaawaceen oo ka soo kabanayo Xaalladdii Miyir-beelka.

Abdullaahi Mohamed oo 17 jir ah ayaa la sheegay inay xaalladiisa soo hagaagayso, kadib, markii uu dhowr isbuuc ku jiray xaallad Miyir La’aan (Komo) ahayd.

Walaashiisa Muslima ayaa sheegtay inuu haatan bilaabay inuu dhaqdhaqaaqo, isla markaana uu si naxuus ah u hadlayo, inkastoo uu weli dareemayo dhaawaca ka soo gaaray toogashadii ay Boliska magaalladda Salt Lake city u geysteen.

Waxay sheegtay in Walaalkeeda laga saaray Tubooyinkii kaga surnaa dhuunta, isla markaana uu dhibaato ka qabo dhinaca Lugta Midig oo aan dhaqdhaqaaq lahayn.

Waxay intaasi ku dartay inay Dhakhaatiirta u sheegeen inu uWalaalkeeda aad u  nasiib badan yahay, iyadoo ay xabbadda ka dustay meel aad ugu dhow Wadnihiisa.

Dhinaca kale, Saraakiisha Boliska waxay oggolaadeen in ay qoyska Wiilka dhaawacan ku soo booqan karo Isbitaalka, iyadoo horey loogu oggolaa Waalidkiisa oo keliya inay soo booqdaan.

Dhinaca kale, Ku-simaha Taliyaha Boliska magaalladda Salt Lake City, Mike Brown ayaan weli baahinin Muuqaalka Video-ga ee laga duubay markii ay Boliska tooganayeen wiilkaasi.

Xafiiska Xeer-ilaalinta ee magaalladaasi ayaa ku baaqay in loo soo bandhigo Muuqaalkaasi, si loo eego qaabka ay u dhacday Toogashadaasi.

Bishii hore ayey ahayd markii ay Boliska toogteen Wiilkaasi Soomaaliga ah ee Qaxooti ahaanta ugu nool Maraykanka, waxaana dhacay Dibadbaxyo rabshadaysan oo looga soo horjeedo Toogashadaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor