Wiil uu dhalay Osama Bin Laden oo ku goodiyey inay Maraykanka kaga aar-goosan doonaan dilkii Abihiisa & dhibaatooyinka loo geysto dadka Soomaalida

Wiilkaasi oo lagu magacaabo Xamsa Osama Bin Laden ayaa hanjabaadaasi ku sheegay Farriin Cod ah oo ay Ururka Alqaacida ku baahiyeen Internetka.

Farriintiisa oo socotay muddo 21 daqiiqo, waxa uu ku xusay inay Maraykanka ka aar goosan doonaan Falkii ay ku khaarijiyeen Aabihiisa, Osama Bin Laden sannakii 2011-kii.

Xamsa Osama Bin Laden waxa uu tilmaamay inay sii wadi doonaan dagaalladda ka dhanka ah Maraykanka iyo Isbahaysigiisa, waa sida uu hadalka u dhigay.

“waan sii wadi doonaa inaan idinku beegsano gudaha Waddankiina, oo aan idinka aar goosan doonaa dhibaatooyinka aad u geysataan Dadka Soomaalida, Afganistan, Syria, Iraq, Yemen, Reer Falastiin iyo dalalka Islaamka ee aan ka badbaadin Tacadiga Maraykanka” ayuu yiri Xamsa Osama Bin Laden oo Gacan-yare u ahaan jirey Aabihiisa.

Hoggaamiyaha Ururka Alqaacida, Usaama Bin Laden waxaa lagu dilay Hawlgal ay Komaandooska Maraykanka bishii May 2-dii ee sannadkii 2011-kii ku qaadeen Dhismo uu ku sugnaa Bin Laden, oo ku yaallay magaalladda Abnbottabad ee dalka Pakistan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor