Wiil uu adeer u yahay Ra’isul-wasaarihii ugu horreeyey ee Dowladda Federalka oo ku baaqay in tabarucaad loo fidiyo Kooxda Daacish

Farah Mohamed Shirdoon oo uu adeer u yahay Ra’isul-wsaaarihii ugu horreeyey Dowladda Federalka Somalia, Abdi Farah Shirdon “Saacid” ayaa dhawaan soo dhigay bartiisaTwitterka baaqiisa ku aadan in Kooxda Daacish lagu taageero Dhaqaale.

“Ragga weyu baahan yihiin Jihaadka, Jihaadkana lacag  buu  u baahan yahay “ ayuu yiri Farah Mohamed Shirdoon, oo la magac baxay  Abu Usaamah Al-soomaali.

Ninkaasi oo ah Somali Canadian degganaa magaalladda Calagary ayaa ku celiyey in tabarucaad loo fidiyo Jihaadka Daacish ka wadaan dalalka Syria iyo Iraq.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Waaxda Dowladda Canada ugu qaabilsan Sirdoonka Maaliyadda “Canada’s financial Intelligence” soo saartay Warbixin ku aaday inay kordheen Taageeradda Lacageed ee loo fidinayo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Saddexda Hay’addood ee ugu sarreeya Ammaanka Qaranka Canada ayaa sheegay inay dhaqaalaha loo diro Kooxahaasi kordheen labadii sanno ee la soo dhaafay.

Xogta Warbixinta oo aan la shaacinin ayaa muujinaysa inay kordheen lacagaha loo xawilayo kooxahaasi.

Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Canada, Joe Oliver ayaa maanta sheegay inay kordheen Maalgelinta Argagixisadda.

Waxa uu hadalkaasi ka  sheegay mar uu maanta ka qeyb galay Shir ka dhacay magaalladda Toronto  o oay ka so oqeyb galeen Saraakiisha La-dagaalanka Xawilaadda Lacagaha iyo kuwa Dembiyadda Maaliyadda.

Waxa uu tilmaamay inay kordheen Lacagaha loo diro Kooxda Daacish, balse ay weli socdaan baaritaano.

National Post