Wiil uu adeer u yahay Ra’isul-wasaarihii hore ee Somalia oo la amray in la soo xiro

Farah Mohamed Shirdon oo ah Somalia Canadian ku biiray Dagaalamayaasha Daacish ayaa waxa uu ka mid noqday dadka ay Boliska Calaamiga ee INTERPOL sida xooggan u baadi-goobayaan.

Farah Mohamed Shirdon oo 22-jir ah waxaa adeer u ah Ra’isul-wasaarihii ugu horreeyey ee Dowladda Federalka ee haatan ka talisa Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Qoraalka INTERPOL ee soo-qabashadda Jihadistahaasi ayaa waxaa lagu asteeyey in loo baadi-goobayo waxa loogu yeeray “Ogeysiiska Casaanka  “Red Notice”, iyadoo lagu eedeeyey inuu ku biiray Koox Argagixiso iyo inuu Dhallinyarro kale oo Canadian ah ku tashkiiliyey inay ku biiraan Daacish.

Jihadiste Farah Mohamed Shirdon oo horey uga shaqeyn jirey Tiyaatar lagu daawado Aflaamta oo lagu magacaabo Chinook Mall Movie Theatre oo ku yaalla magaalladda Caglary ee dalka Canada, halkaasi oo ah magaalladdii uu ku soo barbaaraay, ka hor inta uusan Kooxda Daacish ku biirin sannadkii hore ee 2014-kii.

Bishii August ee la soo dhaafay, waxaa soo baxay War lagu sheegay in Ninkaasi lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Syria, balse waxa uu hal bil kadib ka soo muuqday Baraha Isku-xirka Bulshadda, isagoo sheegay inuu weli nool yahay.

Dhinaca kale, Farah Mohamed Shirdon oo ku dhashay magaalladda Tornto ee dalka Canada, kuna soo wax bartay ayaa waxa uu Farriin Muuqaal ugu hanjabay dalalka Canada iyo Maraykanka, wuxuuna ku yiri: “Waan imaan doonaa, waana idin burburin doonaa”.

Farah Mohamed Shirdoon oo Video-gaasi u diray  Warbaahinta Vice News ee Canada Waxa kale oo uu Farriintiisa muuqaalka ku yiri: “Waxaan Canada uga soo tegay hal sabab oo ah Ilaahay. Waxaan doonayaa inaan Shahiido, waxaan doonayaa Jihaad”.