Wiil Somali oo dalka Jarmalka ku dooxay wiil u dhashay dalka Sierra Leone

Boliska magaalladda Abensberg ee Koonfurta Jarmalka waxay gacanta ku dhigeen Wiil Somali oo da’diisu tahay 19-jir, kaasi oo la sheegay inuu tooreey si xun ugu dhaawacay wiil u dhashay dalka Sierra Leone oo 18-jir ah.
Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka dhacday Xarun lagu hayo Qaxootiga oo ku taalla Degmadda Kelheim oo 100-KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda wershadaysan ee Munich.

Websaytka Maxaliga websiteidowa ayaa qoray inuu labada wiil dhex maray muran, ka hor inta uusan wiilka Soomaaliga dhowr jeer tooreey ku dooxin wiilka kale, kaasi oo markii dambe lagu qaaday Helikoptarka Gurmadka, lana geeyey Isbitaal aan ka fogeyn halka uu falku ka dhacay.

Dhinaca kale, wiilka Soomaaliga ayaa waxaa xiray Boliska, iyadoo ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay, dalka Jarmalka waxaa ku soo badanayey iska horimaadka u dhexeeya dadka Qaxootiga ee ku sugan dalkaasi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor