Wiil Somali Maraykan horey ugu hanjabay inuu dilayo Saraakiil ka tirsan FBI-da oo la sii daayey.

Garsoore ka tirsan Maxkamadda magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa waxa uu amray in la sii daayo Khaalid Aadan Abdulkadir, kaasi oo xirnaa tan iyo bishii December 11-dii ee sannadkii hore.

Qaar ka mid ah Qaraabadda Ninkaasi ayaa la sheegay inay farxad la ilmeeyeen, kadib, markii lagu dhawaaqay in la sii daynayo.

Hooyadda ddhashay Eedeysanaha la sii daayey oo lagu magacaabo Deeqo Khaliif Warsame ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in la sii daayey Wiilkeeda oo horey loogu xiray qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka oo uu ugu hanjabay Saraakiisha FBI-da iyo mid ka mid ah Garsoorayaasha.

Khaalid Aadan Abdulkadir waxa uu shalay Maxkamadda horteeda raalli gelin ka bixiyey qaladkii uu sameeyey, wuxuuna xusay inuu garwaaqsaday qaladkiisa.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inuu Khaalid Aadan Abdulkadir hanajabaada soo dhigay Twitterkiisa, kadib, markii ay Hay’addaha Ammaanka Federalka Maraykanka xireen saaxiibkiisa Abdirizak Warsame bishii December ee sannadkii hore, isku-day uu ku doonayey inuu ku biiro Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Syria.

Khaalid Aadan Abdulkadir, waxa uu ku xirnaan jirey  Xabsiga Sherburne County Jail oo ku yaalla magaalladda Minneapolis.

Ka hor inta aan la xirin Khaalid Adan Abdulkadir waxa uu Arday barta Kalkaaliye Caafimaad ka ahaa Kolejka “Minneapolis Community and Technical College”.

Garyaqaankiisa waxa uu sheegay in Khaalid Aadan inta badan xilliyadda uu fasaxa yahay isticmaali jirey PlayStation, ciyaari jirey K/cagta iyo inuu dhuuqi jirey Daroogadda Marijuana.

khaalid abdulkadir 2 khaalid 000 khaalid abdulkadir 00 khaalid003KHAALID111

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor