Wiil Dhalin yaro Ah Oo Lagu Dilay Degmadda Wadajir

Rag ku hubeysan bastoolado ayaa lagu soo waramayaa in goor dhaweyd ay xaafada nasteexo ee degmadda wadajir ay ku toogteen wiil dhalin yaro ahaa.

Wiilka la toogtay ayaa magacisa waxaa lagu sheegay  Ciise Beyle wararka ayaa sheegaya in wiilkaasi uu ka shaqeenayay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

Ragga dilka geestay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka soomaaliya.

Lama ogga cida falka dilka ah ka dambeysa hase ahaatee dilalka shaqaalaha dowladda waxaa intabadan masuuliyadooda sheegta Al shabaab.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor