WHO oo ka digtay khatarta xanuunka COVID-19 ee ku wajahan Yurub

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digay in ay 236,000 oo qof u dhiman karaan xanuunka COVID-19 ee dalalka Yurub ilaa kowda bisha December.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeeysa xilli dadka reer Yurub ee xanuunka qaadaya ay sii badanayaan, isla markaana ay hoos u dhacday qaadashada tallaalka ka hortaga COVID 19.

Guud ahaan waddamada Yurub waxaa kordhay dadka uu soo ridanayo xanuunka Corona Virus noociisa Delta oo ka halis badan noocyadii hore ee COVID-19, gaar ahaan dadka aan wali qaadan tallaalka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor