WFP oo shixnad gargaar ka soo dejisay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Hay’adda QM ugu qaaabilsab Gargaarka Cuntada Samafalka ayaa sheegtay inay Muqdisho ka soo dejiyeen Diyaarad waday Buskudka Nafaqeysan , kaasi oo loo caawimi doono 31.000 oo qof si ay u cunaan muddo 3 maalmood.

WFP waxay kaloo sheegtay inay maalmaha soo socda keeni doonaan noocyo ka mdi ah Cuntada Naf-badbaadinta ah.

Shixnada maanta laga so odejiyey Garoonka Aadan Cadde waxaa lagu soo raray Diyaarad  nooceedu yahay Boeing 747, oo ay ku soo deeqday Hay’adda UPS Foundation ee magaalladda Dubai.

Diyaaradda waxay kaloo waday Taageero Daawooyin ah oo u rarnaa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Wakiilka WFP ee Somalia, ahn Agaasimaha Xafiiska Gacanka Carbeedka, Abdall Alwardat ayaa sheegay in gargaarkan lagu taageerayo Qoysaska ay dhibaataddu k soo gaareen Abarah iyo Mcluusha ka jirta Somalia.

Waxa uu intaasi ku dry in Diyaardd lagu soo daabulay Kaalmadda tusaale weyn u tahay sida ay Hay’dda WFP iyo Saaxiibadooda si wadjir ah u imaanayaan si ay garaan meelaha fogfog o olgu taageerayo Nf-badbaadinta dadka.

Waxa uu tilmaamay in cuntada la keenay loogu talagalay qoysaska aadka u nugul, gaar ahaan Carruurta ka soo barakacday guryahopoda, isla markaana aan haysanin meel ay ka helaan cunto ama biyo.

QM waxay ku qiyaastay in kala-bar dadka Soomaalida o oay ku jiraan 330,000 oo carruur nafaqo-darro hayso u baahan yihiin Gargaar Degdeg ah.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media