WFP oo dhimayso cuntada deeqaha ee la siiyo Qaxootiga ku nool Dhadhaab iyo Kakuma

Hay’adda QM ugu qaabilsan Barnaamijka Cuntadda Adduunka (WFP) ayaa qorsheynaysa in la dhimo cuntooyinkii loo qoondeeyey Qaxootiga Soomaalida iyo  kuwa Koonfurta Sudan ee ku nool Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma ee W/bari Kenya.

Hadal maanta ka soo baxay Ku-simaha Wakiilka Hay’adda WFP u jooga dalka Kenya,  Thomas Hansson ayaa ku micneeyey  dhimista cuntooyinka la siin jirey Qaxootiga inay u sabab tahay iyadoo ay yaraadeen deeqahii lacageed ee lagu fulin jirey.

Thomas Hansson WFP waxa uu walaac ka muujiyey cunto-dhimistaasi oo  socon doonta ilaa bisha September ee soo socota, haddii aan la helin lacag badan.

Waxa uu sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay kaalmo lacageed oo dhan 12.4 million oo dollar, si loogu furdaamiyo xaallad xumida cuntada Qaxootiga e bilaha August iyo Swptember.

Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Koonfurta Sudan ee ku jira Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakumo oo tiradooda lagu qiyaaso 500,000 oo qof ayaa waxaa bil kasta loo qeybiyaa cunto miisaankeedu dhan yahay 9,300 mitiric tons, laguna qiimeeyey 9.6 million oo Dollars.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor