Weriye Jaamac Deberaani oo lagu xiray Garowe.

 

Ciiddanka Ammaanka Dowlad-gobaleedka Puntland waxay maanta Xabsiga dhigeen  Weriye JaamacYuusuf Jaamac “Deberaani” kaasi oo u shaqeeya Telefishinka Somali Chanbel oo Xaruntiisa Dhexe ku taallo dalka Britain.

Maamulka Puntland waxay dhawaan Weriyahaasi ka mamnuuceen inuu Barnaamijka “Deparani Show” ka baahiyo Deegaannadda Puntland, kadib, markii ay Maamulkaasi qoonsadeen Wareysiyo ku baxay Barnaamijkaasi Toddobaadlaha ah.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soocadde ayaa la sheegay inuu bixiyey Amarka maanta lagu soo xiray Weriye Jamaac Deberaani, waana amarkii Labaad ee uu ku hor-joogsado Weriyahaasi, iyadoo uu Wasiirku bishan 10-da soo saaray Wareegto uu shaqada ka joojiyey Weriyahaasi oo Soo-saare ka ah Barnaamijka “Deparani Show” ee ka baxa Somali Channel Television.

Lama garanayo sababaha rasmiga ee ay Ciiddanka Puntland u xireen Weriyahaasi, inkastoo la hadal-hayo inuu xarigiisa yimid, kadib, markii uu Weriyuhu habeen hore Wareysi la yeeshay  Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Axmed Odawaa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntland (MAP), Faysal Khaliif Barre ayaa cambaareeyey Xarigaasi, kuna tilmaamay mid xadgudub ku ah Xuquuqda Xorriyadda Hadalka iyo Madax-bannaanida Saxaafadda.

Si kastaba ha ahaatee, Xarigga Weriye Deberaani ayaa yimid, iyadoo ay Suxufiyiinta ka hawlgala Maamulka Puntland ka cabanayaan Awoodda uu Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Soo-cadde ku caburinayo Saxaafadda Madaxa-bannaan.

© Radio Dalsan