(WAR DEGDEG AH): Weriye Hindiya Xaaji Maxamed oo u geeriyootay dhaawacii soo gaaray

Allaha U Naxariistee, Weriye Hindiyo Xaaji Maxamed oo maanta ku dhaawacantay qarax loogu rakibay gaarigeeda ayaa goor dhow ku geeriyootay Isbitaalka Madiina ee magaalladda Muqdisho.

Hindiyo Xaaji Maxamed oo Weriye ka ahayd Idaacadda Radiyo Muqdisho iyo Telefishinka SNTV ayaa waxay ahayd Xaaskii uu ka geeriyooday Allaha U Naxariiste Weriye Liibaan Cali Nuur oo isaga iyo Weriyayaal kale ku geeriyoodeen qarax bishii September ee sannadkii 2012-kii ka dhacay Maqaayadda Afrcan Village ee ku taalla Dhismihii Hooyooyinka, ka soo horjeeda Tiyaatarka Qaranka (National Theater) ee magaalladda Muqdisho.

© Radio Dalsan                

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor