Weriye caan ah oo ku geeriyooday dalka Raashiya.

Nikolai Andrushchenko oo 73-jir ah ayaa la sheegay inuu u geeriyoody dhaawcyo 6 isbuuc ka hor ka soo gaaray weerar ka dhacay magaalladda Labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Saint Petersburg.

Wakaalladda Wararka u faafisa Rashiya ee RIA NOVOSTI  ayaa sheegtay inuu Saxafigaasi  xaallad miyir-beel ah ku jiray tan iyo markii ay Kooxo aan la aqoonin dhaawceen bishii March 9-dii.

Kooxihii weerarka geystay ayaan la aqoonsanin, waxaana loo aanaynaya  weerarkiisa Qoraallo uu ku qoray Wargeyska Novy Peterburg  oo uu kaga hadlay Musuq ka jira magaalladda Sint Petersburg.

©Radio Dalsan