Weeraro sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Degmadda Heliwaa’.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxayso weerar ay Dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Alshabaab fiidnimaddii xalau ku asqeysiiyeen Saldhigga Boliska ee Degmadda Heliwaa’ ee magaalladda Muqdisho.

Iska horimaadka dhex maray Ciiddanka Saldhigga iyo Alshabaab ayaa socday in ka badan 60-daqiiqo, waxayna labada dhinac isweydaarsadeen noocyadda hubka.

Taliyaha Qeybta Guud ee Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneral Cali Gaab ayaa u sheegay Saxaafadda in weerarkii xalay lagu dilay 3 ka mid ah Alshabaab, kuwaasi oo uu maydkooda ilaa barqanimaddii yaalla bannaanka Saldhigga Boliska Heliwaa’.

Waxa uu sheegay inay Ciiddanka ka war heleen qorshaha weerarkaasi, lagana hortegay markii ay soo qaadeen weerarka.

Ilo madax bannaan ayaa sheegayo inay 8 ka tirsan Alshabaab soo qaadeen Weerarkaasi, iyadoo laga dilay 3 ka mid ah dadkii soo qaaday weerarkaasi.

Israasayntaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay dhowr qof oo rayid ah oo ay xabbado wiifto ku dhaceen.

©Radio Dalsan