Weeraro Qorsheysan oo caawa Waabari ka dhacay , Maxa Khasaara ah oo ka dhashay?

Sida wariyaheena C/Nasir Socdaal soo sheegayo Xaafada Buurdheere oo ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxaaa  caawa lagu dilay askari ka tirsan NISA halka la dhaawacay mid kale.
Socaal ayaa soo sheegay in labada askari ee rasaasta lagu furay mid ka mid ah uu dhintay, halka kan kalena uu noqday dhaawac halis ah.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Anas, halka midka la dhaawacayna lagu magacaabo Ibraahim Shigshigow, iyadoo dadka degaanku sheegayaan in midka geeriyooday oo dhowaan guursaday uu maalmo ka hor ka soo baxay todobada.

Ciidamada NISA oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxayna xireen xaafada Buurdheere qeybo ka mid ah iyagoo wada baaritaano adag oo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilkan geystay.

Si kastabaa Dilalka qorsheysan ayaa waayadan Muqdisho ka dhacaayey iyado amaanka laga dareemayo habac weyn