Weerarkii Las Vegas: Toogashadii ugu xumayd ee ka dhacday Maraykanka tan iyo sannadkii 1949-kii+Sawirro

Ugu yaraan 50 qof ayaa la dilay, in ka badan 200-kalena waa la dhaawacay, kadib, markii uu nin dabley ah tacshiirad ku furay Hoteel lagu caweynayey oo ku yaalla magaalladda Los Angeles ee Gobalka Nevada ee dalka Maraykanka.

Toogashadaasi baahsan waxay saqdii dhexe ee xalay (xilliga Maraykanka) ka dhacday  duleedka Dhismaha Mandalay Bay Resort iyo goob lagu caweeyo xilli ay socotay Munaasab Muusik Festival ahayd.

Eedeysanihii geystay dilkaasi waxaa isagana toogasho ku dilay Askari ka tirsan Boliska Deegaanka.

Boliska waxay magaciisa ku sheegeen Stephen Paddock oo  64-jir ah, kaasi oo aan wax xiriir ah la lahayn Kooxaha Maleeshiyadda.

Boliska waxay ku raad joogaan Haweeney ka soo jeeda Qaaradda Asia oo lagu magacaabo Marilou Danley, oo 60-jir ah taasi oo la sheegay inay wehlisay Eedeysanaha.

Saxafi lagu magacaabo Wade Millward oo u shaqeeya Wargeyska “The Las Vegas Review-Journal” waxa uu u sheegay Aljazeera TV in weerarkaasi uu bilowday xilli Xiddiga Fannaanka ee Jason Aldean uu Masraxa taagnaa ku-dhawaaq 30-seken..

Saxafi waxa uu intaasi ku daray inuu arkay dhowr qof oo dhaawacan, markii ay isaga iyo qoyskiisa ka soo carareen goobta la weeraray.

Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump waxa uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay Tacsi uu u diray qoysaska ay dadkooda wax ku noqdeen toogashadii Las Vegas.

Si kastaba ha ahaatee, toogashada maanta ka dhacday Maraykanka ayaa noqonaysa dhimashadii ugu badnayd ee ka dhacda dalkaasi tan iyo sannadkii 1949-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media