Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo xiligii Salaada Maqrib weerar culus ku qaaday fariisin ciidanka dowladda ku leeyihiiin degmada balcad.
Weerarkaan oo socday mudo ku dhowr saacad ayaa sigaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Haansheekh oo u dhow tuulada Isgoys ee degmada Balcad gobolka Shabeellaha dhexe.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in dagaalkaas ay khasaaro ay ka soo gaartay labada dhinac ee dagaalamay,walow Al-Shabaab ay sheegteen in ay dileen ilaa Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka degmada Balcad.
Goobta dagaalka uu ka dhacay ayaa u dhow goob dhowr mar lagu weeraray ciidamada dowladda iyo waliba kuwa Amisom,welina dhankooda dagaalkaas kama hadlin saraakiisha ciidamada dowladda ee Shabeellaha dhexe iyo maamulka degmada balcad intaba.