Weerar lagu qaaday degmada Khansaxdheeere iyadoo dagaal culus uu halkaas ka dhacay

Wararka aan ka heleyno degmada Khansaxdheere ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab dagaal kaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhig ciidamada Booliiska degmada Khansaxdheere,waxaana la sheegay in dagaalkaas ay ku dhaawacmeen laba ruux oo uu mid ka mid ah yahay  Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan na soo gaaraya ayaa waxa ay in xalada ay iminka tahay mid degan marka laga reebo in ciidamada Booliiska oo howlgallo ka wada Xaafadaha degmada Khansaxdheere ee gobolka Baay.

Dhanka kale xiriir aan la sameynay Maamulka degmada Khansaxdheere ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino dagalkaas,sidoo kalena majiraan Warar madaxbanaan oo intaas dhaafsan.