Weerar khasaaro geestay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Weerar Bambaano ayaa xalay lagu qaaday Saldhiga degmada Yaaqshiid ee gobolkaan Banaadir weerarkaas oo geestay khasaaro kala duwan sida ay sheegeen dadka deegaanka oo ka agdhow Saldhiga degmada Yaaqshiid.

Inta la xaqiijiyay ilaa laba ruux ayaa la sheegay in weerarkaasi bambaano ay ku dhaawacmeen kuwaas oo ah Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Intaasi kadib ciidamada ayaa sameeyay howlgallo baaritaano ah kaas oo ayku soo qabteen dad dhalinyaro u badan oo ay uga shakiyeen in ayw eerarkaas ka dambeeyeen.

Dhanka kale xiriir aan la sameynay Maamulka degmada Yaaqshiid ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino weerarkaasi Bambaano ee lagu qaaday Saldhiga degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media