Weerar khasaaro dhaliyey oo lala beegsaday Goobo ku yaalla Sacuudiga

Dowladda boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in ay ka hortageen saddex gantaal oo lagu weeraray magaalooyinka Najran iyo Jazan ee kooofurta wadankaas.

Ma jirto koox sheegtay in ay ka dambeysay mas,uuliyadda gantaalada balse isbaheysiga uu horkacayo Sacuudiga ayaa weerarkaasi ku eedeeayay dowladda Iran oo taageerta maleeshiyadda Xuutiyiinta.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xustay in aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay gantaaladaasi balse la doonayey in lagu bartilmaameedsado gobalka hodanka ku ah saliida oo ku dhaw xadka Yemen.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in gantaalada oo laga hortagay ay dhaawacyo ka soo gaareen labo caruur ah.

Weerarkan ayaa yimid afar maalmood ka hor oo drones lagu xiray gantaalo lala bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee Abha halkaasoo ay ku dhaawacmeen sideed ruux.

Inta badan weeraradaasi ayaa waxaa qaaday maleeshiyadda Xuutiyiinta oo bartilmaameesada magaalooyin ku yaala wadanka Sacuudiga iyadoo sannadkii 2019 ay gantaalo ku dhufteen labo shirkadood oo ah kuwa saliida.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor