Weerar khasaaro dhaliyay oo ka dhacay degmada Cabudwaaq

Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar khasaaro dhaliyay waxa ay ku qaadeen Gaari ay la socdeen dad Shacab ah oo marayay meel u dhow degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Gaarigaan ayaa xiligii la rasaaseynayay waxa uu ka yimid deegaanka dhabad, ee Gobolka Galgaduud ‘isaga oo ku dhowaa degmada Cabudwaaq ee isla Gobolkaas.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in weerarkaas lagu dilay Darawalkii waday Gaariga halka laba qof oo saarnaa Gaariga ay ku dhaawacmeen.

Arintaan ayaa lala xiriirinayaa aanooyin qabiil,iyada oo horay Gudaha degmada Cabudwaaq ee Galgaduud loogu dilay dad Shacab ah oo Ganacsato u badan.

Qaar ka mid ah waxgaradkabdegmada Cabudwaaq oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in arintaan ay aad uga xunyihiin waxa ayna sheegeen in colaada Beelaha ay ku soo laab laabteen degmada Cabudwaaq iyo tuulooyinka hoostaga balse ay wax ka qaban la’yihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media