Fiidnimadii xalay ayaa rag hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab waxa ay weerar ku soo qaadeen Fariisin Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerar ka kadib ayaa waxaa dagaal uu ka bilaawday laba koontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalkaas uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dad rayid ah u badan.
Wariye ku sugan Afgooye ayaa radio Dalsan u sheegay in dagaalkaas ay ku geeriyodeen laba Ruux uu mid ka mid ah ahaa Caruur halka qof kale uu dhaawac ka soo gaaray.
Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen bogga ay internet-ka ku leeyihiin waxa ay ku sheegeen in mudo kooban ay gacanta ku hayeen koontorooladii ay weerarka ku soo qaadeen ee degmada Afgooye in kastoo aanan helin warar ka Madax banaan sheegashadaas.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda iyo Maamulka degmada Afgooye ayaan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino dagaalkaas balse kama jawaabin taleefoonadeena.