Weerar khasaaro dhaliyay oo ka dhacay dalka Kenya

Alshabaab ayaa weerar khasaara dhaliyay waxa ay ku qaadeen deegaano hoostaga magaalada lamu ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarkaan ayaa dhacay shalay gelinkii dambe’waxaana lagu qaaday deegaanka Wangoro Gaari bas oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo kibini raha’sida ay baahisay Warbaahinta dalkaas.

Inta la xaqiijiyay weerarkaas waxaa ku geeriyooday ilaa Saddex ruux oo saarnaa Gaariga la weeraray balse waxaa jira dhaawac in kastoo aan tirada la shaacin.

Wararkii u dambeeyay ee nasoo gaaraya waxa ay sheegayaan in Ciidamada amniga Kenya ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarkaas khasaaraha dhaliyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media