Weerar ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Amisom lagu weeraray Gobolkaasi.

Weerarkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanka Golweyn iyo Magaalada Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha hoose sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Macada khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Gawaarida Amisom ee qaraxa miinada dhulka lagu aaso ah lala eegtay,balse war qoraal ah oo ay barta internet-ka ay ku qoreen Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaas miino Amisom khasaaro ku gaarsiiyeen.

Deegaanka o Golweyn in deegaanada u dhaw dhaw ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro iyo dagaalo toos ah kaas oo masuuliyadeeda ay Al-Shabaab sheegtaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media