Wararka aan ka heleyno deegaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisinka ciidamada Jubbaland iyo Kenya ee deegaanka hoosingoow waxaana la sheegay in halkaasi uu dagaal ka dhacay.
Dadka ku nool deegaanka Hoosingoow oo qaarkood la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegen in dagaalku uu qaatay mudo Saacado ah balse aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Al-Shabaab ayaa War ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Intenet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.
Weli dhankooda Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya kama hadlin dagaalkaas iyaga iyo Al-Shabaab degaanka hosingow ku dhexmaray.
Sikastaba Al-Shabaab ayaa dhowr mar weeraray fariisinka Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ee Gobolada Jubbooyinka iyada oo la xasuusto weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Buulo Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose.