Weerar iyo dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal iyo dilal qorsheysan oo xalay ka kala dhacay xaafado ka tirsan Gudaha Magaalada Muqdisho.

Xalay fiidkii ayaa waxaa marqura jug culus laga maqlay fariisinka Ciidamada dowladda ay  ku leeyihiin  Wasaaradda Gaashaanigga, waxana xigay dagaal toos ah oo mudo socday.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in jugta ay aheyd weerar bambaanooyinka Gacanta laga tuuro intaasi kadibna ay maqleen dhawaqa rasaas la’isku ridayay.

Weli lama cadeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas balse dadka deegaanka waxa ay sheegeen in mudo kooban kadib xaalada sideedii ay ku soo laabatay saraakiisha ciidamada xoogga dalkana weli kama aysan hadlin weerarkaas.

Dhinaca kale Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne ayaa waxaa xalay lagu dilay mid ka mid ah Dhalinyaradii uu Shaqaaleysiiyay Maamulka gobolka Banaadir oo lagu Magacaabi jiray  Ayaanle in kastoo Al-Shabaab ay sheegteen in ay dileen Sarkaal ka tirsan ciidanka Nabadsugida Soomaaliya.

Majirto cid loo soo qabtay dilka Wiilkaas Dhalinyarada ah ee xalay lagu dilay Xaafada Via Roma ee degmada Xamarweyne ee Gobolkaan Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media